Madaxweyne Xasan Shiikh oo waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Turkiga, Filibbiin, Sirilaanka iyo Kuuriyada Koonfureed

Published: March 21, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Kuuriyada Koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Alper Akta Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Yeo Sung-jun Danjiraha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed, K. Theshatha Danjiraha dalka Sirilaanka  iyo Marie Charlotte oo ah Danjiraha cusub ee dalka Filibbiin u fadhin doonta Soomaaliya.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Horseed Media