Madaxweyne Xassan Sheekh oo kormeeray xarumaha dowladda ee Puntland

Published: August 28, 2022
Xasan sheekh maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixinno ka dhageystay Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweynaha ee xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, xog-ururinta duruufaha ku xeeran deegaannada dalka, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta midnimada iyo wax-wada lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadajir loogu istaago samata-bixinta dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ka jiraan abaarahu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in mideynta hannaanka maaliyadeed iyo amni ee dalka ay aas-aas u tahay xal u helista caqabadaha nololeed ee ku xeeran shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay Madaxda Xarummaha iyo Wasaaradaha heer dowlad-goboleed ee uu kormeeray in ay doorkooda ka qaataan dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii khamiista booqasho ku tegay Garoowe, safarkiisa ayaa ku bilowdey kulamo gaar ah oo Madaxweynaha Puntland la yeeshay, kuwaas oo ku koobnaa labadooda oo keliya. Jadwalka booqashada madaxweynaha oo markii hore ahaa laba maalmood ayaan isbeddel ku yimid kadibamrii kulamada gaarka ah ay dheeraadeen.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *