Madaxweyne Xassan Shekh Maxamuud oo safar qarsoodi ah ku jooga Abu Dhabi.

Published: September 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan 40 habeen ku sugnaa Galmudug iyo Hirshabelle ayaa, xog hoose oo Horseed Media ka heshay ilo xog-ogaal ah oo kula hadley in aan magacooda la shaacin sheegaysaa in uu safar qarsoodi ah ugu baxay Abu Dhabi dalka Isutagga Imaaraadka carabta (UAE).

Madaxweynaha ayaa diyaarad ka qaadey magaalada Dhuusamareeb waxaana uu sii marey dalka Jabuuti halkaas oo uu ku hakadey kulana la qaatey madaxda Jabuuti.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in la xiriiro sidii uu taageero ugu heli lahaa wejiga labaad ee dalka looga sifeynaayo al-Shabaab taas oo noqotey mid ka adag sidii la filaayey, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Dowladda Federaalka ayaa wada olole dib loogu dhigaayo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Dowladda Imaaraadka ayaa bishan wareejisey madaxtimada Golaha Amaanka oo ay qabteen bishii Juun. Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa laba ujeedo u tegey Abu Dhabi.

  • In Dowladda Imaaraadka carabtu ay ku taageerto qorshaha 90 maalmood dib loogu dhigaayo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika, isla markaana ay olole u gasho.
  • In uu ka helo dhaqaale lagu taageero ciidamada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadley Dowladda Jabuuti in ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee AMIS ee ku sugan gobolada dhexe aysan la bixin, ilaa Soomaaliya diyaar noqoneyso, inkasta oo Jabuuti aysan awood u lahayn arintaas ee ay tahay mid ay ka go’do Golaha Amaanka.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Seekh hadda ku sugan yahay Abu Dhabi. UAE, waxaana safarkiisa ku weheliyey qaar kamid ah qoyskiisa, iyo shaqaalaha ku dhaw.

Horseed Media