Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka oo maanta ku wajahan dalka Iran

Published: July 19, 2022
Recep Tayyip Erdoğan iyo Vladimir Putin

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta booqasho ku tagaya Magaalada Tehran, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonnaa dagaalka dalka Syria, iyadoo sidoo kalena lagu soo hadalqaadi doono duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa Iran ayaa si wadajir ah u shir guddoomin doona shirka 7aad ee Golaha Iskaashiga Sare ee Turkiga iyo Iran, kaas oo maanta ka dhacaya Caasimadda Tehran, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Ankara.

Hoggaamiye-yaasha Ruushka, Turkiga iyo Iran ayaa Talaadadan ku kulmi doona kulanka toddobaad ee Astana.

Safarka Madaxweyne Putin ee dalkaasi ayaa noqonaya kiisii labaad, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment