Madaxweynihii Hore Ee Brazil Oo Laga Joojiyey Tartanka Madaxtinimada Dalkaasi

Published: July 1, 2023

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga mamnuucay inuu mar kale u tartamo jagada xilka madaxweynaha dalkaasi, kadib markii guddi garsoorayaal ah u codeeyeen go’aankaasi.

Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo madaxweynaha ilaa 2030, taasoo mugdi gelineysa mustaqbalka siyaasadeed ee 68-jirka, waxayna u badan tahay inuu tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda.

Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamada ugu sarreysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaarsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka.

Carlos Melo, oo ah bare sare oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Insper ee Sao Paulo ayaa yiri: “Go’aankani wuxuu soo afjari doonaa fursadaha Bolsonaro ee ah inuu mar kale madaxweyne noqdo, wuuna ogyahay.”

Kiiska loo heysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii Julay 18-keedii, 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaalaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga madaxtooyada e eBrasilia si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay.

Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Collor de Mello iyo madaxweynaha hadda Luiz Inácio Lula da Silva ayaa horay loogu dhawaaqay inaysan u qalmin inay u tartamaan madaxtinimada, laakiin kiiska Bolsonaro ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee madaxweyne shaqada looga joojiyo xadgudubyo doorasho.

Sharciga Brazil ayaa ka mamnuucaya musharraxiinta lagu xukumay dambiyada inay u tartamaan jagada.

Horseed Media