Madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo oo ku baaqay in loo baahan yahay Wadar-ogol Qaran

Published: May 29, 2023
Shares2

Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay go’aankii shirka Golaha wadatashiga qaran ayaa soo dhaweeyey in shacabka Soomaaliyeed, codka la weydiisto, loona dhaweeyo doorashada oo ay xaq u yeeshaan.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay Wadar-ogol Qaran marka laga hadlayo qodobada waa weyn ee isbedelaya ee kusaabsan Dastuurka iyo Haykalka dawladnimada dalka.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Horseed Media