Madaxweynihii hore ee Midowga Soofiyeeti Mikhail Gorbachev ayaa ku geeriyooday Moosko.

Published: August 31, 2022

Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowgii Soofiyeeti ee soo afjaray dagaalkii qaboobaa, ayaa habeenimadii Talaadada ku geeriyooday isbitaal ku yaala Moosko.

Shaqaalaha isbitaalka uu ku geeriyoodey ayaa sheegay inuu dhintay habeenimadii Talaadada “kadib cudur halis ah oo daba-dheeraaday”. Waxa uu ahaa 91 jir.

Wakaaladda wararka ee TASS ayaa sheegtay in hoggaamiyihii hore lagu aasi doono qabuuraha Novodevichy ee magaalada Moskow.

Laga soo bilaabo 1985 ilaa burburkii midowgii Soofiyeeti 1991, Gorbachev waxa uu hormuud u ahaa dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay siyaasadda, iyo dhaqaalaha dalkiisa.

Siyaasadiisa glasnost, ama hadalka xorta ah, waxay oggolaatay dhaleecayn aan hore loo malayn karin in ay dhacayso, oo ka timid Xisbiga Shuuciga iyo dawladda, laakiin waxay sidoo kale dhiirigelisay baaqyada madaxbannaanida ee jamhuuriyadaha ay ka koobneyd Midowga Soofiyeeti – ugu horeyn gobollada Baltic ee Latvia, Lithuania, Estonia, ka dibna meelo kale .

Gorbachev oo ahaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Soofiyeedka waxa uu Maraykanka la saxiixdey heshiisyo hub dhimis, iyo iskaashi uu la sameeyay reer galbeedka si meesha looga saaro daahii birta ahaa ee Yurub kala qaybiyay tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana ugu weynaa midowgii Jarmalka Bari iyo Galbeed sanadkii 1990kii.

Qaar ka mid ah dadka Ruushku waxay sheegaan in aysan waligood ku cafin Gorbachev qalalaasaha uu dalkooda u horseeday kadib dib-u-habaynta uu sameeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *