Maduro: Maraykanka wuxuu u qabaa inuu isagu leeyahay Caalamka oo dhan!

Published: September 27, 2018

Madaxweynaha Dowlada Venezuela Nicolas Maduro ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday kulanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isagoo horey u sheegay inuusan tagi doonin dalka Maraykanka.

Maduro oo la filayey inuu ka baaqdo kulankan isagoo horey walaac uga muujiyey in Maraykanka fursadaasi u adeegso inuu khaarajiyo ayaa khudbad dheer oo socotay 50 daqiiqo kasoo jeediyey Golaha Qaramada Midoobay, wuxuuna khudbadiisa inta badan ku weeraray Maraykanka.

Hogaamiyaha Venezuela ayuu xiligan saaran yahay cadaadis weyn xili dalkiisa ay ka jirto sicir-barar xargaha goostay iyo dhaqaale xumo, dalkaasi oo kamid ahaan jiray wadamada ugu qanisan dhinaca batroolka dalalka Latinka.

Nicolas Maduro oo ka daba-qaatay khudbadii Trump maalin kahor goobtaasi kasoo jeediyey ayaa yiri “…Shalay waxaan halkan ka dhageysaney hanjabaad ah in caalamka u hogaansamo amarada Maraykanka, hadii kale ay cawaaqib-xumo la kulmayaan dalalka amarkaasi diida…” ayuu yiri isagoo ka hadlayey khudbadii hogaamiyaha Maraykanka.

“…Waxaan ahay nin shaqaale ah oo soo shaqeeyey, maahi maalqabeen ama taajir aan ka warqabin xaalada shacabka…”ayuu yiri Maduro uu hadalkiisa u waday Trump. Wuxuuna isaga fogeeyey eedeynta loo soo jeediyey dowladiisa, isagoona sheegay in xaalada wadankiisa ka jirta ay la xariirto weerarka uga imaanaya Maraykanka iyo xulafadiisa oo doonaya inay dhaqaalaha dalka Venezuela ay burburiyaan.

Madaxweyne Maduro ayaa intuu ku sugnaa New York sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani oo kamid ah hogaamiyayaasha ka qeyb galaya kulanka 73aad ee Qaramada Midoobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *