Magaalada Laascaanood oo maalintii afaraad oo xiriir ah uu ka socdo dagaal culus

Published: February 9, 2023
Shares2

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa maalintii afaraad Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa saaka dib uga qarxay furimihii uu xalay gabalka ugu dhacay dhinacyada dagaalamaya.

Hugunka madaafiicda iyo dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlaya daafaha magaaladaasi.

Maamulkii gobolka Sool ugu magacownaa Somaliland ayaa sheegay inuu ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee Maalintii afaraad ka socda Laascaano.

Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa u muuqato furin dagaal, iyadoo dadkii deganaa magaalada ay isaga barakaceen guryahooda.

Horseed Media