Mahdi Guuleed iyo Biixi Iimaan oo noqday Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka

Published: November 1, 2021

Labo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu ay tahay Gobolada Waqooyi ( Somaliland ) ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed khaddar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta, isagoona musharixii la tartamaysay Mushtaaq Ibraahim uu kaga guuleystay codad dhan 97.

Kursiga labaad ayaa waxa isna ku guuleystay Biixi iimaan Cige oo helay 91-cod halka musharixii la tartamayay C/raxmaan ismaciil uu helay 9-cod.

Xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa kasoo gala Gobolada Waqooyi ayaa la filayaa in lasii amba qaado doorashoodooda maalmahan iyadoo hardan adag ay u galayaan siyaasiyiin iyo xildhibaanadii hore oo doonaya in ay markale kusoo laabtaan kuraasta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *