Mali, Niger iyo Burkina Faso oo sameystay isbahaysi la baxay “Sahel security alliance”

Published: September 17, 2023
Shares20

Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa kala saxiixday heshiis is-difaac ah, iyadoo saddexda waddan ee Sahel ay ujeedadoodu tahay in midba midka kale ka caawiyo hadii lasoo weeraro.

Dhammaan saddexda dawladood waxay xubno ka ahaayeen ciidamada isbahaysiga G5 Sahel ee uu Faransiisku taageero oo ay sidoo kale ku jireen Chad iyo Mauritania, kuwaas oo la bilaabay 2017 si ay ula dagaallamaan kooxaha hubaysan ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo kooxaha ISIL (ISIS).

Wuxuu afgambi ka dhacay sadexdan dal 2020 illaa 2023, oo uu ugu dambeeyay dalka Niger, oo bishii July ay askartu xukunka ka tuureen Madaxweyne Maxamed Bazoum, oo reer Galbeedka kala shaqeeyay la dagaalanka kooxaha hubaysan ee gobolka Saaxil.

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ku hanjabay inay faragelin milatari ku samayn doonaan dalka Niger, sababo la xidhiidha afgambiga, balse ururka gobolka ayaa hoos u dhigay hadalladii dagaalka ee toddobaadyadii la soo dhaafay.

Horseed Media