Maqnaanshaha Internetka, Cadaadiska la saarey Kheyre iyo magacaabista kan cusub!

Published: July 27, 2020
Madaxweyen farmaajo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaa maalintii labaad go’an khadka Internetka ee magaalada Muqdisho, tan oo sababtey khasaaro baxaad leh oo dhaqaale iyo xiriirkii bulshada oo kala go’an. Shirkadda Hormuud Telecom oo ah shirkadda u weyn ee bixisa Internetka ayaa sheegtey in cilad farsamo ay tahay taas oo ay sababeen dabaylo iyo duufaamo ka dhacay badweynta Hidniya ee ay soo maraan xarkaha Internetku, laakiin, khubarada ka faalooda arrimaha Tiknoolajiyadda una dooda xorriyada internetka sida NetBlock ayaa aaminsan in sababta Internetku u maqan yahay ay tahay mid siyaasadeed, kadib cayrintii raysalwasaaraha, waxay sheegeen in xiliga dabayluhu ka dhaceen badweynta Hindiya iyo xiliga la jaray khadku uu u dhexeeyey wakhti badan.

Xanibaadda Internetka ayaa ah mid ay isticmaalaan dowaldaha isku daya in ay kantoroolaan xaaladahooda siyaasadeed, waxaa sidaan oo kale dhawaan isticmaaley dalka Itoobiya si uu wax uga beddelo aragtida kacdoonadii dalkaas ka dhacay.

Dowaldda Federaalku ayaa weji gabax kala kulantey muuqaalo la baahiyey isla maalintii Baarlamaanka buuqu ka dhacay ee ay u fariisteen qorshe aan ajandaha ku jirin ee ah Raysalwasaaraha xilka laga xayuubiyo, muuqaalada fadeexadda dhaliyey ee laga baahiyey kulankii baarlamaanka ayaa markhaanti u noqdey in wixii dhacay ay ahayd fawdo, shirguddoonkuna iskiis ugu dhawaaqey in xukuumaddi dhacdey, waxaana muuqatey in Dowladdu aysan u diyaar garoobin sida ay fadhiga baarlamaanka u kontrooleyso. Dowladda Federaalka ayaa beesha caalamka kala kulantey weji gabax iyo canbaareyn loogu goodiyey in aysan tani ahayn wixii ay taageerayeen ee ay maal-geliyeen.

Mid kamid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda NISA ay culeys saartey raysalwasaare Xassan Cali Kheyre waxaana la dul dhigey ciidamo ilaaliya dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana uu ka go’an yahay caalamka intiisa kale oo dhan, waxaana si weyn looga hortagayaa in uu hadlo, kadib baaqyada kulul ee caalamka ka soo baxay, sidoo kale waxaa culeys la saarey saraakiishii aadka ugu dhawaa ee ciidamada sida ninka la yiraahdo Saadaq John oo wararku sheegayaan in shaqo joojin lagu sameeyey.

SDowladda Federaalka ayaa sidoo kale maqnaanshaha adeega Internetka uga faa’deysatey, caburinta dadka, si loo kontroolo dhaawicii ka dhashey fadhigii baarlamaanka ee fawdada ahaa.

Wararka kale waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu ku jiro soo xulidda ninkii beddeli lahaa Kheyre waxaana isaga iyo la taliyaashiisu u qaybsan yihiin laba aragtiyood oo kala ah:

Kuwo qaba in xilka loo daayo Rasyalwasaraha kumeel-gaarka Mahdi Guuleed inta laga gaarayo shirka Dhusuamareeb lagana burburinaayo ama la helaayo muddo kororsiga,

Qaar kale ayaa wada in shakhsi aan siyaasi ahayn, khibrad u lahayn arrimaha siyaasadda Soomaaliya, horey loo aqoon, laakiin muddooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho in si degdeg ah loo magacaabo.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *