Maraakiib shisheeye oo kalluumeysi sharci daro ah kawada xeebaha gobolka Gardafuu

Published: October 30, 2021

Maraakiibta shisheeye ee kalluumeysiga sharci daradda kawada biyaha Soomaaliya ayaa kusoo badanaya xeebaha gobolka Gardafuu ee Puntland.

Sida ay HM u sheegeen dadka deegaanka Maraakiibta iyo doonyaha oo wata shabaago noocyada jiriifka ah ayaa ka kalluumeysta meel aan sida uga fogeyn xeebaha deegaanka taasoo keentay in kalluumeystada ay xeebaha ka waayaan kalluunkii faraha badnaa.

“Dhibaatada aan ku qabno maraakiibta iyo doonyaha shisheeye waxaa kamid ah in ay soo dhigtaan badda Shabaago nooca Jiriifka oo halki Doonba ay xiranayso inkabadan 30Mayl oo Isku Wareeg ah taasi ayaana kalifta in gunta hoose ee bada kaluunka ku jira lasoo saaro iyadoo lajajabinayo dhagaxaanta uu hoos galo kaluunku waxa ayna arintaas nagu sababtay in xeebihii deeganka uu kaluunka xaaluf ka noqdo.

ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka

Kaluumaystada ayaa walaac ka muujiyay doonyahan iyo maraakiibtan kalluumeysiga sharci darada kawada xeebaha gobolka Gardafuu waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland in ay arintan wax ka qabtaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *