Maraykanka oo 1,500 oo askari u diraysa xadka ay la wadaagto Mexico

Published: May 3, 2023
Shares28

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in 1,500 oo askari ay u dirayso xadka ay la wadaagto waddanka Mexico.

Askartan oo xuduudka la geyn doono 10 ka bishan May ayaa loogu tala galay in ay ka hor tagaan dadka sida sharci darrada ah ku soo geli jirey waddankaas kuwaas muddooyinkii u dambeeyey qul qulkoodu uu aad batay.

Khamiistii Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay dawladda Maraykanku shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeya 11 ka bisha May aan la ogolaan doonin qof dambe oo tahriib ku taga waddankaas.

Sidoo kale Maraykanka ay ku goodiyey in cid kasta oo arrinkan dhegaha ka furaysta loo celin doono meelihii ay ka yimaaddeen isla markaana aanay dib Maraykanka u soo geli doonin muddo shan sano ah.

Madaxweyne Joe Biden oo sannadka dambe isu diyaarinaya doorashada Madaxtooyada ayaa la kulmay dhalleecayn uga timi xisbiga Jamhuuriga kuwaas oo ku eedeeyey in uu dalka ku soo fasaxay tahriibayaal sida daadka u sabbaynaya.

Horseed Media