Maraykanka oo Drone ku dilay hogaamiyihii Daacish, Osama al-Muhajer

Published: July 9, 2023
Shares54

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa sababay dhimashada Osama al-Muhajer, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka maanta oo Axad ah.

“Waxaan naga go’an inaan sii wadno hawlgalada ka dhanka ah Daacish ee gobolka oo dhan,” ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla.

Sida laga soo xigtay Taliska CENTCOM, ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay howlgalka laakiin ciidamada isbaheysiga ayaa “qiimeynaya wararka sheegaya in uu soo gaaray dhaawac dad rayid ah oo goobta ka ag dhawaa”.

Dhinaca kale diyaarada Drone-ka ee hawlgalkan fulisay ayaa la sheegay inay sidoo kale marar dhawr ah is hortaag ku sameeyeen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo iyagana ka hawlgala hawada wadankaasi Siiriya.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah ISIL ee ka socda dalka Siiriya ayaa sidoo kale khamiistii la soo dhaafay markii labaad muddo 24 saac gudahood ah ay dhibaato u geysteen diyaaradaha militariga Ruushka, sida uu sheegay taliye Mareykan ah.

Horseed Media