Maraykanka oo fasaxay lacag dhan $6bilyan oo ay leedahay IRAN

Published: September 12, 2023
Shares4

Xukuumada Maraykanka oo dadaal ugu jirta sii deynta shan muwaadin oo Mareykan ah oo ku xiran Iran, ayaa soo saartay amar lagu fasaxayo $6bn oo ah lacagta Iran looga xayiray bangiyada dalka Kuuriyada Koonfureed oo lagu wareejin doono bangiga dhexe ee Qatar iyadoo aan la saareyn wax cunaqabateyn ah.

Intaa waxaa dheer, iyadoo qayb ka ah heshiiskan, Maraykanka wuxuu ogolaaday in la sii daayo shan muwaadin oo reer Iraan ah oo ku xiran Maraykanka.

Maxaabiista Mareykanka laga heysto ayaa waxaa ka mid ah Siamak Namazi, oo la xiray 2015-kii, kadibna lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay falal basaasnimo; Emad Sharghi, oo ah maalqabeen ganacasade oo lagu xukumay 10 sano; iyo Morad Tahbaz, oo ah ilaaliye British-American ah oo asal ahaan ka soo jeeda Iran oo la xiray 2018 oo sidoo kale lagu xukumay 10 sano. Labada maxbuus ee kale ayaan magacydooda la shaacin.

Horseed Media