Maraykanka oo hub horleh u diraya Israa’iil

Published: March 30, 2024
Shares46

Hubkan lagu caawinayo Israa’iil ayaa waxaa ka mid ah madaafiicda culus iyo 25 diyaaradaha dagaalka ee F-35A.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si qarsoodi ah balaayiin doolar ugu oggolaaday Israa’iil hubkan cusub, sida lagu sheegay warbixin la daabacay maanta oo Jimce ah.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa sii socda iyada oo burbur baahsan, barakac iyo dhimasho badan ka jirto guud ahaan dhulkaasi. Xili ay Israa’iil wacad ku martay in ay weerar ku qaadi doonto koonfurta magaalada Rafah halkaas oo ay ilaa 1.5 milyan oo qof oo barakacayaal ah ay u qaxeen.

Hubka uu todobaadkan ansixiyay madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah 1,800 madaafiicda MK84 iyo MK82, sida ay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga oo magacooda la qariyay u sheegay wargeyska Washington Post.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa todobaadkii hore sidoo kale ogolaatay in Israa’iil lagu wareejiyo 25 diyaaradood oo F-35A ah.

Horseed Media