Maraykanka oo ogolaaday in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-16

Published: January 27, 2024

Mareykanka ayaa ansixiyay in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka F-16 kadib markii baarlamaanka Turkiga uu todobaadkan ansixiyay xubinnimada Sweden ee NATO.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay heshiiska $23bn ee lagu iibinayo diyaaradaha dagaalka xulafada NATO ee Turkiga habeenkii jimcaha.

Turkiga ayaa muddo dheer raadinayay inuu cusboonaysiiyo diyaaradahooda dagaalka ee F-16 wuxuuna codsaday diyaaradahan bishii Oktoobar 2021, laakiin mashruucan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii Turkiga hor-istaagay in dowlada Sweden ay xubin ka noqoto NATO.

Baarlamaanka Turkiga ayaa talaadadii lasoo dhaafay ansixiyay sharciga ku saabsan ka mid noqoshada Sweden ee NATO.

Horseed Media