Maraykanka Oo Safiir Cusub Usoo Magacaabay Soomaaliya

Published: December 18, 2021

Aqalka Senate-ka dowladda Mareykanka ayaa ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safirkaan cusub ee lasoo magacaabay ayaa waxaa uu bedeli doonaa Safiirkii hore Mareykanka ee Muqdisho  Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *