Maraykanka oo sheegay in Shiinaha iyo Ruushku ay uga khatar badan yihiin Argagixisada

Published: January 20, 2018

Wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka James Mattis ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay uga khatar badan yihiin Maraykanka la dagaalanka argagixisada

Maraykanka ayaa hadda u arka in dalalka Ruushka iyo Shiinuhu ay yihiin khatarta ugu weyn ee uu lee yahay, taas oo xitaa ka weyn waxa ay ugu yeeraan argagaixisada caalamiga ah sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga ee Maraykanka James Mattis, mar uu Jimacadii khudbad ka jeediyey Johns Hopkins School of Advanced International Studies.

Maalinta Jimacada ah ee todobaadkan ayaa Xarunta Pentagon soo bandhigi doontaa Istaraatiijiyad cusub ee Maraykanka oo loogu magacdarey Difaaca Qaranka, taas oo si weyn loogu dersay khatarta Shiinaha iyo Ruushka.

Sida ay sheegeyso Istraatiijiyadda cusub Shiinaha ayaa kor u qaadey ormarkooda dhanka mileteriga sanadihii u danbeeyey, halka Ruushku uu kor u qaadey awoodooda difaaca iyo midda weerarba.

Mattis wasiirka gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadayaan la dagaalanka argagxisiada si aysan awood u yeelan mar danbe, laakiin hadda muhimada kowaad maaha la dagaalanka argagxisada, ee waa ilaalinta awooda Maraykanka iyo amnigga qaranka.

Khatarta Maraykanku walaaca ka qabo ayaa ah in looga adkaado dagaalka cyperka ama Internetka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *