Maraykanka oo ugu baaqay MW.Xasan inuu la shaqeeyo Dowlad gobaleedyadda

Published: September 16, 2022
Shares94

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa Khamiistii shalay booqday Aqalka Cad, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha Maraykanka Jake Sullivan iyo Wakiilada Madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Amaanka.

Waxaa kulankan looga hadlay xiriirka labada wadan gaar ahaan dhanka amniga.

Kulankan ayeysan weli faah faahiin ka bixin Villa Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay AQALKA CAD ayaa lagu sheegay in Maraykanka dhiiri gelinayo hirgelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo in ay wada shaqeeyaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyadda Soomaaliya.

Mr. Sullivan and President Hassan Sheikh discussed the importance of political reconciliation in Somalia, particularly the renewed coordination between the Federal Government of Somalia and Federal Member States to improve governance, law enforcement, service delivery, and security for the Somali people.  

The White House

Wadashaqeynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad gobaleedyadda ayaa fure u ah maamul wanaaga, amniga Qaranka iyo u adeegida bulshadda Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Aqalka Cad.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa shalay sidoo kale booqday Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka (The Pentagon).

Horseed Media