Maraykanka oo ugu danbeyn ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo Gaza ka hirgasha

Published: March 22, 2024

Qaraarka qabyada ah ee Mareykanka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dhawaan u codeyn doono, ayaa muujinaya in caalamka dulqaadkii ka dhamaadey marka la eego xasuuqa Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa ee dhulka Falastiin, iyada oo ugu dnbeyn Maraykanku hadda ku baaqayo xabbad joojn degdeg ah.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa kadib weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, Maraykanku waxa ay diiddeen saddex qaraar oo qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin laga sameeyo Gaza. Waxa ay ku doodday in tallaabadan oo kale ay khalad tahay iyadoo wada xaajoodyada xasaasiga ah ee xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ay sii socdaan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Mareykanka ayaa si weyn loo dhaleeceeyay isagoo ka ilaalinaya Israa’iil cadaadis si ay u joojiso weerarkeeda iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhimashada ee Gaza.

Hadda qoraalka Maraykanku wuxuu muujinayaa ka tagista mawqifkiisii ​ muddada dheer ay ku dheganaayeen ee taageerada indho la’aanta ah ee Israil. qaraarka cusub ee maraykanku soo diyaariyey ayaa sheegaysa “waxaa lagama maarmaan ah xabbad joojin degdeg ah oo joogto ah”.

Ma cadda in aqlabiyadda 14-ka xubnood ee kale ee Golaha Ammaanka ay u codeyn doonaan qaraarka, oo dadka qaar ay u arkaan in aanu meel dheer gaarin loona qorey si u xaglinaaya Israel.

Laakiin xaqiiqda ah in Maraykanku uu hadda taageerayo baaqyada xabbad-joojinta mabda’a ahaan waa calaamad kale oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa maamulka Biden iyo xukuumadda Benjamin Netanyahu ka hor weerarka Israa’iil ee ku wajahan Rafah, taas oo Maraykanku si cad u sheegay in uusan si cad u taageersanayn.

Xogahaya Arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa gaarey Qudusta la haysto maanta oo Jimce ah halkaas oo u wadahadal kula lee yahay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Blinken ayaa soo marey dalal badan oo carab ah waxaana uu kala hadley sida loo taageeri lahaa qaraarka ay ugu danbeyn ka soo shaqeeyeen.

Dhanka kale waxaa weli socda wada xaajood u dhexeeya masuuliyiin ka socda Xamaas iyo Israil kaas oo ka socdey dalka Qatar.

Dagaalka Qasa ayaa galay bishii lixaad, waxaa ku nafwaayey dad ka badan 30 kun oo qof, oo u badan caruur iyo haween, waxaa ku dhaawacmey boqolaalkun oo qof, waxana gebi ahaanba burburtey Gaza. hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in dadku hadda gaajo u dhimanayaan.

Horseed Media