Maraykanka oo wafdi u diray militariga afgembiyey dowladii Niger

Published: August 8, 2023

Diblumaasi sare oo Mareykan ah ayaa booqday dalka Niger si looga codsado mas’uuliyiinta afgambiga inay dib u soo celiyaan xukunkii dimuquraadiga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Victoria Nuland, oo ah ku-simaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegtay Isniintii in ay wadahadalo “adag” la qaadatay hogaamiyaha millatariga Moussa Salaou Barmou iyo saddex ka mid ah taliyayaasha oo ay ku kulmeen caasimadda Niger, Niamey.

Waa safarkii ugu horeeyay ee mas’uul Mareykan ah uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu afgambigii dhacay 26-kii July.

Hogaamiyaha militariga Niger Abdourahmane Tchiani ayaa diiday inuu la kulmo wafdigan, sidoo kale diblumaasiyiinta Maraykanka ayaa loo diiday inay arkaan Madaxweynihii xilka laga tuuray.

Maraykanka oo saldhig militari kuleh Niger, isla markaana tababaray ciidamada afgembiga sameeyey ayaan welin si rasmi ah ugu dhawaaqin in dalkaasi Afgembi ka dhacay.

Dhinaca kale wafuud ka socda militariga dalalka Mali iyo Burkina Faso ayaa booqasho ku tagay Niger, dalalkaasi ayaa horey urur gobaleedka ECOWAS uga digay inay farogelin militari ku sameyso Niger.

Horseed Media