Mareykanka ayaa ku dhawaaqay $345m oo gargaar militari oo loogu talagalay Taiwan

Published: July 29, 2023

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay $345m oo kaalmo militari ah oo loogu talagalay Taiwan, taasoo sare u qaadaysa taageerada jasiiradda iskeed isu maamusha oo uu Shiinaha sheegato.

Xirmada waxaa ku jiri doona qalabeynta iyo tababarka militariga, sida uu sheegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Jimcihii shalay.

Ku dhawaaqista Aqalka Cad laguma faahfaahin hubka iyo qalabka la bixin doono, balse warbaahinta oo soo xiganaysa saraakiil aan la magacaabin ayaa sheegay in saadka ay ka mid yihiin hubka difaaca hawada, rasaasta fudud iyo qalabka sahanka.

Bayaan uu soo saaray, Liu Pengyu, oo ah afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Washington, ayaa sheegay in Maraykanku uu joojiyo hubka uu ka iibiyo Taiwan “kana joojiyo abuurista arrimo cusub oo horseedi kara xiisadda marin-biyoodka Taiwan.”

Horeed Media