Mareykanka iyo Ruushka oo isu adeegsaday codka Veto Qaraarkii laga soo saari lahaa Golaha Amaanka

Published: October 26, 2023
Shares68

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii 3aad ku fashilay inay qaraar kasoo saaraan xaalada Qaza.

Mareykanka oo Arbacadii golaha soo hordhigay qaraar uu soo diyaariyey oo u jeen-jeenray dhanka Israel ayaa waxaa qaadacay Ruushka iyo China oo leh awooda codka Veto.

Sidoo kale Imaaraadka Carabta oo metalaya dalalka Carabta ayaa diiday qaraarka Mareykanka keenay.

Ruushka oo laftiisa qaraar kale horkeenay Golaha Amaanka markii 2aad ayaa waxaa codka Veto ku diiday Mareykanka iyo xulafadooda UK, xiisadan u dhaxeysa Ruushka iyo Mareykanka oo sii xoogeysaneysa.

Mareykanka ayaa horey u diiday dadaaladii lagu baaqayey Xabad Joojin oo ay horey usoo jeediyeen xubnaha Carabta, Ruushka iyo Brazil ayaa doonaya in golaha qaraarka uu soo saaro in si gaar ah loogu cambaareeyo ururka Xamaas, isla markaana lagu sheegin wax la xariira “Xabad Joojinta dagaalka Gaza”.

Horseed Media