Mareykanka iyo Ruushka oo wada-hadal yeelan doona muddo shan bilood ah kadib

Published: July 28, 2022
Shares20

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab wax ku ool ah oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xidhan dalka Ruushka.

Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.

Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Blinken ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in labadan muwaadin ee Maraykanka ah ama midkood in lagu soo bedelan doono, Viktor Bout oo ah nin si weyn loo yaqaano oo ka ganacsada hubka oo u dhashay dalka Ruushka kaas oo ku xidhan dalka Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *