Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dilkii Shan sano kahor Turkiga loogu geystay Khashoggi

Published: July 16, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilkii saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ku soo qaaday kulan uu la qaatay madaxda sare ee Sacuudiga oo uu ku jiro dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ka dhacay magaalada dekadda leh ee Jeddah.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta galabnimadii jimcaha, Biden wuxuu sheegay in uu sidoo kale kala hadlay xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo dib u habeyn siyaasadeed.

“Sida aan had iyo jeer sameeyo, waxaan caddeeyey in mawduuca [xuquuqda aadanaha] uu muhiim u yahay aniga iyo Maraykanka,”ayuu yiri madaxweyne Biden.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Mareykanka uusan ka aamusi karin “arrinta xuquuqda aadanaha”.

Biden ayaa lagu dhaleeceeyay la kulanka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay soo gabagabeeyeen inuu mas’uul ka ahaa dilkii Khashoggi ee lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar 2018.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *