Mareykanka oo Ahmiyad gaar ah siinaya Geeska Afrika Ergay Cusubna u Magacaabay

Published: April 24, 2021

Dowladda Mareykanka ayaa Diblomaasi sare marna Safiir kasoo noqday Bariga dhexe iyo Lubnaan u magacawday in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsanaanaya taasoo muujineysaa in US ay si gooni ah isha ugu hayso xaalada gobolka geeska Afrika oo haatan wajahaya xasilooni darro iyo qulqultooyin siyaasadeed.

Xoghayaha Arimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken oo ka hadlay magacaabista Amb.Feltman ayaa xusay sida ay go’an tahay madaxweyne Joe Biden hogaaminta dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo xasillooni darrada dhinacyada siyaasadeed, amniga iyo bani’aadamnimada ee ka aloosan gobolka Geeska Afrika.

“Arinta sida gaarka looga walaacsan yahay ayaa ah xaaladda kacsan ee Itoobiya, oo ay ku jiraan colaadda Tigray xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, iyo muranka ka taagan biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayuu yiri Antony Blinken.

“Xilliga isbeddelka qotada dheer ee gobolkan istiraatiijiga ah, ka-qaybgalka heer-sare ee Mareykanka waxa uu muhiim u yahay yareynta halista ka imaaneysa khilaafka iyadoo la siinayo taageero fursadaha dib-u-habeynta,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Blinken.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa mar uu ka hadlayay khibradda uu u leeyahay Ergeygan cusub arimaha Geeska Afrika waxa uu sheegay in uu leeyahay Muddo tobonaan sano oo khibrad ah sida wadahadalka iyo dhexdhexaadinta si loo fuliyo istiraatiijiyad wadajir ah oo wax looga qabanayo Gobolka.

Ergeygan cusub ayaa waxaa horyaala in uu wax ka qabto door muuqdana ka qaato daminta Colaadda gobolka Tigray iyo xiisadaha sii kordhaya ee u dhaxeeya wadamada Ethiopia iyo Suudaan iyo sidoo kale qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *