Mareykanka oo duqeeyey Barigga dalka Suuriya

Published: November 9, 2023

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday saldhigyada maleeshiyaadka shiicada ku leeyihiin barigga dalka Suuriya.

Labo diyaaradood oo nooca F15 ah ayaa la sheegay inay duqeeyeen saldhigyada Kaydka hubka maleeshiyaadka taageerada ka hela Iran.

Duqeyntan ayaa ka dhacday nawaaxiga magaalada Deir Ez-Zor, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 9 qof.

Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerarada todobaadyadii lasoo dhaafay lagu hayey ciidamadooda ku sugan Suuriya & Ciraaq.

Horseed Media