Mareykanka oo fariin kama dambeys ah u diray muwaadiniintiisa ku sugan Ethiopia

Published: November 6, 2021

Xaalada Ethiopia ayaa xiligan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana cabsi xoogan laga qabaa in kooxda TPLF iyo kooxo kale oo isbaheysi samestay ay gudaha u galaan magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethiopia.

in July of 2021. Countess/Getty Images)

Safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Adis Ababa, ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Ethiopia in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in xaalada Itoobiya ay tahay mid aan la isku haleyn karin, waxa ayna ugu baaqday muwaadiniinteeda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga baxaan dalkaasi.

“Xaaladda ammaan ee Ethiopia ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan, waana baaqii ugu danbeeyay ee aan u direyno muwadiniinteena,”

ayaa lagu yiri farriin la soo dhigay bogga safaaradda.

Digniinta kasoo baxday dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaysa xili shalay ay heshiis gaareen 9-Urur oo TPLF ay kamid tahay kuwaasoo isku bahestay dagaal ka dhan ah taliska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *