Mareykanka oo gaadiid badan oo loogu talo galay Ciidamada Danab ku wareejiyey Dowlada

Published: May 16, 2024

Sii Hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon ayaa si rasmi ah Wasaaradda Gaashaandiga ee Soomaaliya ku wareejiyey 96 gadiid oo loogu talo galay ciidamada Komaandooska ee Danab.

Taliyaha Ciidanka XDS S.gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ka gudoomay Mareykanka gaadiidkan lagu xoojinayo tayadda ciidamada Soomaaliyeed.

Mareykanka oo kamid ah dalalka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga ayaa si gaar ah u tababara ciidamada Komaandooska ee Danab.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay ee Abriil joojisay sahaydii cuntadii ay siin jirtay ciidamada Danab, kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexad musuq-maasuq oo ballaaran oo la xiriirta lunsi iyo dib u iibis sahayda.

Horseed Media