Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 17 ka tirsan Al-shabaab

Published: November 12, 2022
Shares4

Taliska Mareykanka ee Africa AFRICOM ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan Ururka Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay inaysan jirin waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeytan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 kiilo mitir waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Taliska AFRICOM ayaa sheegtay inaysan hadda macluumaad dheeri ah ka bixin howlgalkan.

Horseed Media