Markabka BASILISK ayaa la aaminsan yahay in ay gacanta ku dhigeen burcd-badeed.

Published: May 23, 2024

Waxaa la rumeysan yahay in koox burcadbadeed Soomaali ah ay gacnta ku dhigeen markab lagu  magacaabo BASILISK oo noociisu yahay kuwa xamuulka  waxaana uu watey calanka dalka  Laybeeriya.

Markabka ayaa safarkiisu ku wajahnaa dekadda Jabal Al Cali ee Dubai wuxuuna kasoo shiraacday dekadda weyn ee Rotterdam ee dalka Holland isagoo kusoo hakaday dekadda Porto Grande, Cape Verde.

Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo maraayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox aan tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka

Warar ku dhaw kooxaha Burcadbadeeda ayaa sheegaya in shaqaalaha markabka saaran oo gaaraya 17 shaqaale ah ay weli ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo  kooxda burcadbadeeda ay gabi ahaanba la wareegeen qolka howlgalka markabka iyagoo xanibay dhammaan isgaarsiinta markabka.

Bishii Maarso 2024 ayey ahayd markii Burcadbadeedu ay  heleen $5 milyan oo madax-furasho ah oo ay ka qaateen markbka MV Abdullah.

Horseed Media