Markabkii 2aad oo Israel laga leeyahay oo lagu afduubtay Gacanka Cadan

Published: November 26, 2023

Markabkan oo lagu magacaabo Central Park ayaa maanta oo Axad ah lagu qafaashay Gacanka Cadan.

Markabkan ayaa waxaa leh shirkadda Zodiac Maritime, waxaana la sheegay inay saaran yihiin 22 shaqaale ah.

Shirkadda Zodiac Group oo xarunteedu tahay London, ayaa waxaa leh Bilyaneer u dhashay Israel oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

War kasoo baxay shirkaddan ayaa lagu sheegay in burcad badeed qafaalatay Markabka ayna ka wel welsan yihiin shaqaalaha saaran oo dalal kala duwan kasoo jeeda.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kooxo hubeysan ay qabsadeen markabka.

Weli ma jirto koox sheegatay falkan. Waxaase la tuhunsan yahay kooxda Xuutiyiinta oo horey u afduubtay Markab kale oo uu leeyahay maalqabeen reer Israa’iil ah.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay qafaalan doonaan dhamaan Maraakiibta laga leeyahay Israel inta ay socoto duqeynta lagu wado Gaza.

Afduubkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii diyaarad Drone ah lagu weeraray Markab kale oo marayey biyaha caalamiga ah ee nawaaxiga Yemen.

Horseed Media