Mashruuca Caafimaadka ee “Better Lives” ee UK maal-gelineyso oo Muqdisho laga daahferay

Published: April 29, 2024
Shares12

Waxaa maanta laga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc loogu magacdarey nolosha wanaagsan (Better lives). Munaaabadda daahfurka ayaa ka dhacdey gudaha Safaaradda Ingriisku ku leedahay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan

Munaasabadda lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, Agaasimaha guud ee Caafimaadka iyo xubno kale oo ka socday Dowladda Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa ku deeqdey £38 milyan oo lacagta UK ah, oo dhiganta $47.5 milyan oo dollar oo lagu fulinaayo barnaamijka Better Lives. Mashruuca ayaa socon doona muddo laba sano ah kaas oo wax looga qaban doono nolosha hooyooyinka iyo caruurta, barnaamijka waxaa fulin doona hay’adaha UNICEF iyo Dowladda federaalka.

Barnaamijka Better Lives ayaa qorshihiisu yahay in la gaarsiiyo adeegyo caafimaad, talaal iyo nafaqo, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo daaweynta nafaqo-xumada iyo cudurrada carruurta ee caadiga ah sida shubanka iyo oof-wareenka haweenka, iyo sidoo kale la hagaajinaayo awoodda maamulka caafimaadka ee heer gobol iyo mid degmo.

Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo munaasabadda daahfurka ka hadley ayaa yiri:

“….Better Lives waa barnaamijkeena caafimadka iyo nafaqeynta, kaas oo hagaajin doona nolosha haweenka iyo carruurta aadka u nugul ee Soomaaliya. Waxaan ku faraxsannahay inaan si wadajir ah ula shaqeyno hay’adaha UNICEF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya….”

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in barnaamijka Better Lives laga fulin doono, Gobolka Banaadir, Galmudug iyo Jubaland.

HORSEED MEDIA