Masuuliyiin ka socota DF oo Uganda uga qeybgalay shir kusaabsan maareynta isticmaalka Hubka fudud

Published: March 30, 2021

Saraakiil ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Uganda uga qeybgalay shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud.

.Shirkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlayay faafista iyo maareynta isticmaalka Hubka fudud (Small arms and light weapon management SALW) Adeegsiga hubka fudud ayaa ah mid dhibaato weyn ku haya geeska Afrika.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Maareynta hubka fudud ee RECSA oo ay ku mideysan yihiin wadama geeska Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dhammaan wadama geeska afrika kuwooda madaxda ka ah xuduudaha.

Shirkan ayaa laysku waydaarsaday dhammaan caqabadaha ka jira dalalka geeska afrika ee dhanka xuduudaha iyo sida ugu fiican ee looga hortagi karo isticmaalka dhanka khaldan ee hubka fudud ee sida sharci darada ah ugu gacan galaya dadka kooxaha aan ku shaqada laheyn iyo shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *