Maxaa ka soo baxay shirkii deg-dega ahaa ee Golaha Xukuumadda Federaalku yeesheen?

Published: August 17, 2022

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa habeenimadii salaasada ee arbacadu soo galaysey waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya

Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

  • Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka
  • Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

Sida Horseed media ogaatey, Eragyga Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa doonaayey in lagu dhawaaqo in dalka macaluul ka dilaacdey, taasi waxay dalka u beddeleysaa mid xaaladiisu tahay gargaar, waxaana ay ka saareysaa mid gaarey xaaladda hormarinta, Golaha xukuumadda ayaa diidey soo jeedintaas.

Shirka Golaha xukuumadda ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

Shirka ayaa lagu dhisey guddi uu kamid noqonaayo Eragyga gaarka ah ee Abaaraha ee Madaxweynuhu magacaabey, waxaana hoggaaminaaya Raysalwasaare ku-xigeenka.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

  1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
  3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
  4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
  5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  6. Wasiirka Maaliyadda
  7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
  8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
  10. Wasiirka Amniga Gudaha
  11. Wasiirka Gaashaandhigga
  12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
  14. Culimada Soomaaliyeed
  15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  16. Ururada bulshada Rayidka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *