Maxabiis Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya oo la soo sii daayey

Published: August 22, 2022

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay Maxabiis Soomaali ah oo si tahriib ah ku gaaray dalka Liibiya iyagoo doonayay in ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub, balsa ay gacanta ku dhigeen ciidmada dalka Liibiya.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in maxabiistaan dib loogu soo celin doono dalka.

Maxabiistaan ayaa tiradooda gareysaa 14-maxbuus kuwaas oo in muda ah ku xirnaa Xabsiyada dalkaasi, safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa xoogga saaratay sidii muwadiniintasi dalka dib loogu soo celin lahaa.

Maxbiistaan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah dalka dib loogu soo celiyo, waxa ayna noqonayaan Maxaabiistii ugu horreysay ee laga soo daayo xabsiyada dalka dibedda tan iyo markii ay la wareegtay Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *