Maxamuud Cabaas oo cambareeyey Maamulka Cunsuriga ah ee Israel iyo Maraykanka- Video

Published: September 28, 2018

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa khudbadiisii Golaha Qaramada Midoobay si adag ugu cambaareeyey siyaasada Maraykanka iyo Israel.

Madaxweyne Cabaas ayaa khudbadiisa ku bilaabay cambaareyn adag oo uu la beegsaday Siyaasada ku saleysan Cunsuriyada iyo Dhul-boobka Maamulka Yuhuuda iyo Taageerada indho la`aanta ah oo ay Israel ka helayso Dowlada Maraykanka oo uu sheegay inaysan dhex dhexaad ahayn.

“…Qudus iib maaha, Xaquuqda Falastiina gorgortan kama galeyno…” ayuu yiri Maxamuud Cabaas oo ka hadlayey go`aankii Donald Trump ku sheegay in magaaladaasi barakeysan ay tahay caasimada Israel, hadalka Madaxweynaha Falastiin ayey si weyn ugu sacab-tumeen inta badan dalalka Beesha Caalamka ee ku sugan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Cabaas ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay Falastiin u aqoonsadaan Dal madax banaan iyo dhaqan gelinta in ka badan 700 Qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay oo ay diiday inay dhaqan geliso Israel 70kii sano ee lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *