Maxay kawada hadleen Abiy Axmed iyo Soomaalida Ethiopia

Published: August 24, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta magaalada Adis Ababa kulan kula qaatay qeybaha hoggaanka dhaqanka ,Siyaasada,waxgaradka ee Soomaalida Ethiopia.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar,ayaa looga wada hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa rabshadihii dhawaan ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa mas`uuliyiinta Soomaalida ee uu la kulmay waxa uu ka codsaday saddex in Sharciga lagu dhaqmo isla markaana cadaalad sameeyaan iyo in dadku dulqaad u yeeshaan ka mira dhalinta isbedelada ka soconaya dalka Ethiopia.

Mas`uuliyiintii iyo Odayaashii kulankaas ka qeyb galay ayaa dhankooda ka dalbaday Mr. Abiy AxmedRa`iisul Wasaaraha Ethiopia in cadaalada lahor-keeno shakhsiyaadkii ku lug lahaa tacadiyadii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaaa in kulamo kale uu Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed la yeesho siyaasiyinta Soomaalida kuwooda saameynta ku leh dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *