Maxkamada Ciidamada Oo 15-Sanno Ku Xukuntay Horjooge Ka Tirsan Argagixisada Alshabaab

Published: July 10, 2023

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Alshabaab.

Duqow ayaa Khawaarijta kaga biiray Buur-Eylo oo katirsan degmada Buur-Hakabe ee Gobolka Baay, waxaana xiliyadii u dambeeysay uu daganaa Ceeltimir degmada Dayniile si uu Muqdisho uga geysto dilal iyo qaraxyo

Ciidanka amniga ayaa 14-May ee Sanadkaan gacanta ku soo dhigay Ninkaan,isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha.

Horseed Media