Maxkamada Danbiyada ICC oo si rasmi ah u xirtay Kiiskii Kenya

Published: November 28, 2023

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ICC ayaa Isniintii shaacisay inay gebi ahaan xirtay baaritaankii danbiyadii dhacay doorashadii Kenya 2007-2008.

Rabshadihii 2007-2008 ka dhacay dalka Kenya ayaa lagu eedeeyey siyaasiyiinta uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya William Ruto.

Rabshadaha xiligaasi ka dhacay Kenya ayey ku dhinteen in ka badan 1.200 qof.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa kamid ahaa xubnaha ay maxkamada dacwada kusoo oogtay.

Hase yeeshee dacwadaha ku aadan labadaasi hogaamiye ayaa fashilmay kadib markii la waayey markhaatiyashii.

Waxayse Maxkamada weli baaritaan ku waday xubno kale oo kamid ahaa kuwii danbiyada kicinta shacabka lagu eedeeyey.

Xubnahaasi ayaa waxaa kamid ahaa suxufiyiin; Joshua Arap Sang & Walter Barasa iyo Qareeno Paul Gicheru iyo Philip Kipkoech Bett.

Dacwad oogaha Maxkamada ICC, Nazhat Shameem Khan ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii shalay ku sheegay in kiiskan si rasmi ah loo xiray.

Horseed Media