Maxkamadda Adduunka oo ku amartay Israa’iil inay joojiso duulaanka Rafah

Published: May 24, 2024

Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah ku amrtay Israa’iil inay joojiso weerarrada milateri ee ay ku hayso magaalada Rafah ee koonfurta Qasa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Adduunka Nawaf Salam, oo akhrinayey go’aanka ayaa sheegay in tallaabooyin ku-meel-gaar ah oo ay horey u amartay maxkamadda bishii Maarso aysan si buuxda uga hadlin xaaladda go’doominta Qasa oo hada kasii dartay.

“Israa’iil waa in ay si degdeg ah u joojiso weerarkeeda militari” ee Rafah, ayuu yidhi.

Maxkamaddu waxay taageertay codsi ay dowlada Koonfur Afrika u dirtay oo ahaa inay Israa’iil ku amarto inay joojiso duullaanka ay ku hayso Rafah.

Qareennada Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ICJ ka codsaday toddobaadkii hore inay soo rogaan tallaabooyin degdeg ah, iyagoo sheegay in weerarrada Israa’iil ee Rafah ay tahay in la joojiyo si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka Falastiiniyiinta.

Go’aanka Maxkamada ayaa ah mid kama danbeys ah oo ay ku khasban yihiin wadamada inay fuliyaan, balse Israa’iil ayaa horey u diiday go’aano badan oo kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale Go’aankan ayaa cadaadis saari doona dalalka taageera Israa’iil sida Mareykanka iyo reer Galbeedka oo iyagu inta badan ku dooda in la dhowro sharuucda caalamiga ah.

Horseed Media