Maxkamadda Banaadir oo xukun ku riday Madaxa Hay’adda SAHAN

Published: October 26, 2021

Matt Brydan Madaxa Hay’adda Sahan Reseach ayey Maxkamadda gobolka Banaadir sheegtay inay ku heshay eeda uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamaddu maanta ku xukuntay mas’uulkan shan sano oo xabsi ah, isagoo dalka ka maqan.

Sidoo kale Hay’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ayaa dhamaadkii sanadkii hore dacwadan kusoo oogtay hay’adda Sahan oo ay dhibsadeen warbixinada ay ka qorto xaaladda iyo siyaasada Soomaaliya xili uu jiray murranka la xariira doorashada.

Hay’ada Sahan ayaa sanadkii hore sheegtay in dacwadan ay ka arkeen warbaahinta iyo baraha bulshada, iyagoo iska fogeeyey eedeyntan, sheegayna xogta ay baahiyaan ay tahay mid suggan.

15kii bishii Abriil ee sanadkan ayey maxkamada u yeertay xubnaha hay’adda Sahan ee dacwada lagu soo oogay walow aysan kasoo xaadirin maxkamada Banaadir, waxaana kamid ahaa xubnaha loo yeeray Matt Bryden, khabiirka la shaqeeya ee Rashid Abdi iyo afar xubnood oo kala ahaa:

Colin Robinson, oo ah falanqeeye dhanka arrimaha militariga & Amniga, Khayre Abdirahman Raage, Emmanuel Deiser iyo David Hopkins.

Dowlada Federaalka ayaa sanadkii 2018, hay’adan SAHAN ka mamnuucday dalka Soomaaliya, iyadoo Matt Brayden oo horey ulla soo shaqeeyey guddiga Qaramada Midoobay ee (UN Monitoring Group for Somalia & Eritrea) u jartay (persona non grata).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan isweydiyey?  waxa isku soo beegay sadexdan arimood ee kala ah Wargeysa ny times qoraalkisii, VOA oo Codsi ay u dirtay safarada marakeyanka sheegtay in lo soo jawaabay kaas oo ku sabsanaa ilaah how naxaristee dhimashadii  Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} oo heystay ciidanka danab ee ka hawlgala bartamaha dalka, iyo maxkamada gobolka banadir oo soo gabagabeysay dacwadii ka dhanka aheyd  lixdii qof ee kala ahaa
    1 –Matt Brydan
    2 –Kheyre Cabdiraxmaan Raage
    3 –Rashiid Cabdi
    4 –Emmanuel Deisser
    5 –Robison Colin
    6 –David Hopkines
    Oo  dhamantood qeyb ka ahaa hayada sahan group kuwaas oo lagu soo edeeyey inay ku kaceen falal basaasid ah iyo ineey faafiyeen xogo ku saabsan amniga Qaranka, halkaas oo maxkamada ku ridey ninka madaxda u ah sahan group ee loo yaqaan Matt Brydan xukun xadhag ah oo  5 sano ah.

    Waxaa isoo  baxday dhoor arimood,

    A- Dalku wuxuu ku jiraa wakhti doorosha ah oo qof walba oo danle ah  iyo heyad walba oo danley ihi rabto in la maqlo si danaha dalka ka leyihiin ugu fulaan ama danaha hada heystaan ugu sii socdaan.

    B- VOA dadka somalida ee ka shaqeeya la’aanta afsomaliga maha dad caqli iyo aqoonba la sixiiba ah, waxaan tusaale inoogu filan in cabdilahi kolombo bartiisa  facebook kaga dhawaaqay inuu madaxweyne farmaajo is casilo, meesha harun macruufna barnaamijkiisa galka baarista lagu buun buniyo kooxda alshabaab taas oo keentay in dawlada federalka ihi ka digto in shaqaalaha hayadaha dawliga ahi wax xiriira la sameyaan haruun macruuf iyo barnaamijkisanaba.

    C- Voa beryhan dambe waxeey caado ka dhigteen ineey warkooda ka soo xigtaan dad ay qarinayaan sida qofkan ay hada ku shegeen inuu safaarada mareykanka ka shaqeeyo oo aneey magiciisa sheegin iyo marar badan oo ay cadeysteen ineey  dhahaan waxaan warkan ka soo xiganay qof aanu aad ugu kalsoonahay, yaabay ma jin aan la arkeen beey wareystaan?  mise iyaga iyo wariyaasha kale ee u shaqeeya wargeysada/hayadaha wararka ee caalimiga sida bbcda, aljazeera, reuters,iwm. waxeey aminsan yihiin in xaalad abuurka foodada iyo warka xun oo dalka hooyo laga tibiyaa dantoodu ku jirto? si shaqadooda ay sii heystaan, maneey ogeyn in ilaaha raasiqi irsaqa bixiyo?.

    D- Ma’ oga miyaa?  in ciidanka danab  ka mid yihiin ciidanka xooga dalka somaliyeed mushaharkooda, caafimadkooda, gu’nadooda iyo xaquuqdooduba ay bixiso wasaarada gaashandhigu iyadoo  kaashaniysa wasaarada maaliyada.

    Waxaan ku soo gunaadaya talo ah, war umada somaliyidoow ilaashada iftiinka yar ee dawladnimo oo maanta inoo baxaya oo ay ka mid tahay ciidankii xooga dalka somaliyeed  oo maanta inoo dhismay, shaqalihii oo mashaharkodii iyo xuquuqdodii toos u helaya, wilishii  yaryaraa oo inta godka jilicoow la geysto ehelkood madax furasho lagaga qaadan jirey iyagoo lagu goodanayo waxaan ku edeyneynaa ineey ka tirsan yihiin kooxda alshabaab hadaadan lacag bixin taas oo maanta la soo afjaray, maamul wanaaga iyo dahfurnaanta wasaarada maaliyada iyo wasaarada qorsheyntu dalka ku hageyaan taas oo keentay in deynkii nagula lahaa  badankisii nalaka  cafiyey taas oo inoo horseday  in dhaqaalaha iyo dakhliga dawladnimo  aad u kobco sanadkan 2021,  lana rajeynayo in sii kordho sanadada  fooda inugu soo haya, hawadii dalka oo aynu la soo noqonay, murankii bada oo aynu soo afjarnay waxaas oo dhamaan inoo iftiminaya in dalka ku socdo meshii loo bahnaa.