Maxkamadeynta Musuq-Maasuqa Trump iyo ganacsigiisa oo khatar ku jira

Published: October 3, 2023

Isniintii shalay ayey bilaabatay dhageysiga dacwada musuq maasuqa ah ee loo heysto shirkadaha iyo ganacsiga Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Dacwad oogayaasha iyo Qareenada difaaca Trump ayaa hadalkoodii ugu horreeyay soo jeediyey dacwadan ku saabsan musuqmaasuqa madaniga ah oo diiradda lagu saarayo dhaqdhaqaaqyada hantida Donald Trump iyo ganacsigiisa.

Nuxurka dacwada ayaa ah in Donald Trump iyo shirkadihiisa ay si weyn u buunbuuniyeen qiimaha hantidiisa ma-guurtada ah si ay u helaan Deynmo badan oo aysan xaq u lahayn, arrintaasi oo ah sharci daro.

Trump oo kasoo qeyb galay dhageysiga dacwada ayaa weerar ku qaaday xeer illaalinta dacwada soo oogay ee New York iyo waliba Garsooraha Maxkamada oo uu sheegay inaysan dhex dhexaad ahayn.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York, Letitia James ayaa codsaneysa in ugu yaraan $250 milyan oo ganaax ah la duldhigo Trump, isla markaana Trump iyo wiilashiisa Donald Jr iyo Eric aysan dib danbe shirkado ganacsi ka sameysan karin New York iyo xayiraad ganacsi oo shan sano ah oo ka dhan ah Trump iyo Ururka Trump.

Horseed Media