Maxkmada Darajada 1aad Ee Boosaaso Oo Xabsi Ku Xukuntay Dhalinyaradii Qoyska Handaday

Published: June 13, 2023
Shares26

Maxkamadda darajada 1aad ee degmada Boosaaso ayaa xukun xabsi ah ku ridday shan dhallinyaro oo loo haysto in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen ah kana duubeen muuqaal iyaga oo handadaya, todobaadkii hore.

Maxkamadda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali oo 18 jir ah ku xukuntay lix sano oo xadhig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah.

Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay midkasta inuu bixiyo $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.

Horseed Media