MD Xasan: “Waxan uga mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen xadgudubka Itoobiya”

Published: January 5, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee kaga hadlay xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed.

“Waxan umahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen meel walba oo ay joogaan xadgudubka Itoobiya, waxaan rabaa in aan kaliyah caddeeyo in dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay in aysan qabin dhulka Soomaaliya in qeybo ka mid ah la bixiyo, sheekada lagu saleeyay is afgaradka waa dhul la bixiyay”.

Madazweynaha ayaa ku nuxnuxsaday in u yahay been abuur wax lagu tilmaamay in la kireyay badda balse ay tahay heshiis lagu bixiyay dhulka oo Itoobiya loogu gacan galinayay,waxa uu intaas ku daray in aan dhul la kirayn lagana heshiin madaxweynuhu.

20KM oo Badda cas ka bilaabtah oo xudud beenadka Itoobiya gasha waa la kireyay meel ay macquul ka tahay ma jirto,dadka waqooyiga Soomaaliya degan raali kama ahaa oo waa ay nala soo hadlaan masuuliyiintooda,shacabkana waan aragnay oo waa kuwaa taagan oo diidan,gayiga dhulka Soomaaliyeed dadkii naga horeyayna ma bixin anaguna ma bixin kuwaa naga danbeyana ma bixin  karno, cid xaq uleh oo bixin karta 1Meter oo dhulka Soomaaliyeed ah ma jirto,in nala hadalo ayaaba danbi ah,waxa sidaasi yirii madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dowladda Itoobiya isma aanan dooran in aan daris ahaano,waana la garanaya tariikhdii na soo dhexmartay Itoobiya,intaan inagoo ka taag yar oo istacmaar na haysto oo aanan dowlad ahayn ayeey dalkaan qaadan weyday oo ay marar badan isku dayday mana ahaa midkii ugu horeyay isku daygaan oo u damaceedu ahaa in ay Banaadir hawo ka gashay,ciidankeediina lagu jabiyay Balcad marka ay soo gaareen oo dib loogu celiyay meeshay ka yimadeen intaasna waxay u maraysay sidii ay u heli lahayd Badd.

Xage lagu arkay diyaarad iyo gacansi dhul lagu badalanayo imasa la arka diyaarado caalamiyah oo qasaaray balse dhul laguma qaasaaro mana guuro,dhulku waa dhaxal tooyo Awoowayaasheen laga soo gaaray,sida aan u dhaxalanay ayaa nalooga sii dhaxalaya jiilba jiilka ka danbeya uga dhaxali doonaa,walaalayaal dadka indheer garadka ah ee waqooyiga Soomaaliya degan dhul Soomaali ay leedahay laguma badalan karo diyaarada iyo isgaarsiinta ay Itoobiyo iyagoo la isku darayna laguma badali karo.”sidaas waxa yiri; Xasan Sheekh.

Horseed Media