Michael Keating oo shir la qaatey hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada -SAWIRO

Published: September 3, 2018

Eragyga gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobey Ant├│nio Guterres, Soomaaliya uga wakiilka ah Michael Keating, ayaa gaarey maanta magaaada Kismaayo, waxaana uu shir la qaatey hoggaamiyaasha Dowald goboleedyada Soomaaliya ee Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo hadda ku sugan magaalada Kismaayo oo shir uga furmaayo.

Kulanka oo ka qabsoomay guriga martida ee Kismaayo aayaa hordhac u ahaa shirka Madasha wadatashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo ka furmaya Kismaayo, shirkaas oo Ammbassador Michael Keating lagu sharfay inuu maalinimada berito khudbad ka jeediyo, madaama muddo xiliyeedkii uu ka dhammaandoono dhawaan.

Kulankan maanta ay wada qaateen Madaxwenayaasha iyo Michael Keating ayaaa waxaa looga wadahadlay doorka qaramada midoobey ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan Maamulada Soomaaliya, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirkii iskaashiga Dowalad goboleedyada ayaa la sheegayaa in uu u dib dhacay maalinta beri ah ee Salaasada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *