Midowga Yurub oo isku khilaafay ku dhawaaqista Xabad Joojinta dagaalka Gaza

Published: October 27, 2023

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa kulankoodii khamiistii shalay ku baaqay “in la furo wadooyin bini’aadantinimo iyo in la hakiyo dagaalka Gaza” si loo hubiyo gargaarka loo wado Marinka Gaza.

Baaq wadajir ah oo ay soo saareen 27-ka hoggaamiye waxay ku muujiyeen “walaaca ugu weyn ee ay ka qabaan xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Gaza” waxayna ku baaqeen “in la sii wado gargaar bini’aadantinimo iyada oo loo marayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku jiraan waddooyinka bini’aadantinimada iyo hakinta dagaalka.”

Dalalka Midowga Yurub ayaa si weyn isugu khilaafay ku baaqida “Xabad Joojin deg deg ah”, oo ay soo jeediyeen dalalka Holland, Belgium iyo Spain, halka ay ka horyimaadeen dalalka Austria, Germany iyo Sweden oo sheegay in ay ku dhawaaqaan oo kaliya hakinta dagaalka inta gargaarka la geenayo.

“Gargaarku waxa uu u baahan yahay in si deg deg ah ku gaaro Gaza, iyada oo aan la horjoogsan,” ayey tiri madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen saaka oo Jimce ah.

Waxa ay ku dhawaaqday in ururka midowga yurub uu laba duulimaad oo kale oo shixnad bini’aadantinimo ah u diri doono dhanka Masar ee marinka Rafah maanta oo jimce ah, waxayna sheegeen inay saddex-jibaareen deeqda bini’aadantinimo oo ay sii marsiinayaan hay’adaha Qaramada Midoobay, deeqdaasi oo gaareysa 40 milyan oo Yuuro.

Horseed Media