Midowga Afrika iyo ECOWAS oo isku khilaafsan faragelinta Niger

Published: August 17, 2023

Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa u muuqday inay isku khilaafsan yihiin in tallaabo milateri laga fuliyo dalka Niger iyo in kale.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ah hay’adda u qaabilsan fulinta go’aannada ururka, oo Isniintii kulan ku yeeshay Addis Ababa, si ay uga wada-hadlaan xiisadda ka taagan dalka Niger ayaa diiday soo jeedinta ECOWAS ee ah in la sameeyo faragelin militari haddii aysan militariga Niger tanaasulin oo aysan dib u soo celin xukunka Madaxweyne Mohamed Bazoum oo xabsi guri ku jira tan iyo 26-kii bishii Luulyo.

Taliyayaasha militariga Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Khamiis ah ku kulmaan dalka Ghana si ay isugu dubbaridaan faragelinta militari ama qorshahooda ku aadan Niger. Balse waxa muuqataa in Midowga Afrika aanu taageersaneen farogelin milatari.

Horseed Media